Waare: “Amniga Muqdisho faraha ayuu ka baxay”

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dhaliilay dowladda Federaalka ah,waxaan uu sheegay in amniga caasimaddda uu faraha ka baxay.

Waare ayaa dowladda Federaalka ah ku eedeeyay ib maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ay dowladdan bartilmaameedsabeyso islamarkaana aysan isheeda qaban dowlad Goboleedyada kale.

Waxaa uu sheegay in war murtiyeedkii Kismaayo ay soo saareen shan dowlad Goboleed,sababta dowladda Federaalka ah u beegsaneyso labada maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug ayuu isweydiiyay.

Mr Waare ayaa sheegay in amaanka uu faraha ka baxay kaddib markii Ciidamada Nabad Sugidda la kala diray,kuwana lagu biiriyay Booliska

Dowladda Federaalka ah ayuu sheegay in ay kaliya maamusho Waddada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda ee aan lagu darin Booliska ay dhibayaan dowlad Goboleedyada gaar ahaan Hirshabeelle iyaga oo wata boorsooyin lacag ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Keating: ” Somaliya waa in ay meel marisaa xeerka dadka lixaadkooda dhimanyahay”

Read Next

Hirshabelle Parlaiment Speaker sides with Federal Government