Keating: ” Somaliya waa in ay meel marisaa xeerka dadka lixaadkooda dhimanyahay”

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay in ay meel mariso xeerka xaqdhowrka dadka lixaadkooda dhimanyahay.

Mr Keating ayaa sheegay in haddii dadka lixaadkoodu dhimanyahay ee Soomaaliya ay helaan xeerkan uu u sahalyo ka qeybqaadashada arrimaha siyaasadda,dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada loona baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Warbixin uu ka soo saaray xafiiskiisa Muqdisho ayaa ku sheegay in dowladda ay ka aqbashay in xeerkaas ay saxiixeyso walina aan la saxiixin,waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan xeerkan oo muhiimad u leh dadka lixaadkooda dhimanyahay.

Xeerka Dadka lixaadkoodu dhimanyahay waa mid Caalami ah oo ay inta badan dowladaha Caalamka meel mariyaan marka ay dib u eegis iyo aqrin ku sameeyaan,waxaana uu u oggolaanayaa dadka lixaadkoodu dhimanyahay ka qeybgalka dhamaan howlaha dowladnimada iyo arrimaha Bulshada.

Keating ayaa sheegay in tirada dadka lixaadkooda dhimanyahay ee Soomaaliya ay ka badan tahay qiyaasta lagu sheego oo ah 15% bulshada Soomaalida,sababatana waxaa uu ku sheegay muddada dheer ee uu dalka ku jiro dagaallada sokeeye.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Ciddiyaha been abuurka ah oo laga mamnuucay Baarlamaanka Tanzania

Read Next

Waare: “Amniga Muqdisho faraha ayuu ka baxay”