Kooxda Valencia ayaa qarka u saaran inay laso wareegto laacibka kooxda United inta uu san xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Mata ayaa dhawaan loo soo bandhigay qandaraas cusub isagoo mushaar again u qaadan doono Todobaadkii £ 130,000 balse waxey u muuqataa inuu dib ugu laaban doono Spain.
Naadiga Valencia ayaa markan laacibkan ku dooneysa Aduun dhan 40 milyan waxaa suura gal in ay helaan adeega xidigan.
Mata ayaa 129 kulan u saftay kooxda La Liga, waxaana uu qeyb ka ahaa kooxdii 2008dii Copa del Rey ku guuleysatay
