Uhuru Kenyatta oo isku shaandhayn ku sameeyay Golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada ee dalkiisa.

Wasiirrada xasaasiga ah ee ay saameysay isku shaandheynta ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Ganacsiga.

Monica Juma – Wasiirka Gaashaandhigga

Rachel Omamo – Wasiirka arrimaha dibadda

Mutahi Kagwe – Wasiirka Caafimaadka

Betty Maina -Wasiirka Ganacsiga

Cecily Kariuki – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

Peter Munya – Wasiirka Beeraha

Simon Chelugui – Wasiirka shaqada

Ukur Yatani -Wasiirka Maaliyadda.

Isku shaandheyntan ma saameyn dhowr wasiir oo ay ka mid tahay Amina Maxamed Jibriil oo ah Wasiirka dhallinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka.

Monica Juma ayaa waxaa ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda waxaana ay aad uga shaqaynaysay kiiska Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,waxaa hadda laga dhigay Wasiirka difaaca halka haweeneydii ahayd la geeyay booskeeda arrimaha dibadda.

Isku shaandheyntan ma saameyn dhowr wasiir oo ay ka mid tahay Amina Maxamed Jibriil oo ah Wasiirka dhallinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka.

News Editor

Read Previous

Macallimiinta Aan Deegaanka U Dhalan Oo Isga Tagaya Gaarisa

Read Next

Askar ku dhimatay qarax miino oo lagula eegtay duleedka Muqdisho.