Ugaas Xasan:-Wariye Muqtaar Catoosh uma xirna arimo siyaasadeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka hadley xarigii loo geystay Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ahaa wakiil wareedkii Idaacada VOA ee Baydhabo.

Wasiirka ayaa sheegay in Sababta loo xiray wariye Catoosh ay tahay warar been abuur oo la xariiray kiisas kufsi ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed.

Waxa uu sheegay in ay baaritaan ku sameeyeen warka uu Wariye Mustaar ka sii daayay Idaacada OVA isla markaana ay cadaatay in warkaasi uu san raad lahayn sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna intaasi ku daray wariyuhu Cadaad heli doono.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in wariyuhu uu yahay Eedaysane isla markaana, Xeer ilaalinta Koofur Galbeed ay ku oogeen dacwad la xariirta in uu warar aan la xaqiijin uu ka siidaayay Warbaahinta ku hadasha Afka Maraykanka ee VOA-da.

Waxa uu sheegay in haatan uu ku jiro Xabsiga dhexe ee Baydhabo isla markaana sida uu dhaqsiyahay badan loo soo taagidoon Maxkamada Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay loona Ogolaadoono in uu qabsado Qareena u dodo sida uu maanta oo Arbacaa uu ka sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Gobolka Bay.

Mukhtar Mohamed Atosh, VOA reporter
Mukhtar Mohamed Atosh, VOA reporter

Ugu dambayntii waxa uu sheegay in Wakiil wareedka VOA-da ee Magaaladda Baydhabo aan loo xirin arimo siyaasadeed,hayeeshee loo haysto eedo ee ka dhan warka ka baxay VOA-da, isla markaana Maxkamad la soo taagi doono isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in uu Cadaallad helo.

Si waxbadan looga ogaado sababta loo xiray wariyaha ayaa Mustaqbal la xariirtay wariyayaasha ka howl gala deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in aysan ka hadli karin xariga wariyaha sababo la xariira amaankooda.

Maamulka Koofur Galbeed ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu eedeeyaa in uu caburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo wariyayaasha ka howlgala deegaanada Maamulkaasi.

Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa horay looga joojiyay shirarka looga soo horjeedo Maamulka Koofur Galbeed iyo Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xariir wanaagsan.

 

MM Staff

Read Previous

Wasaaradda Haweenka oo daah-furtay Hal-Abuur dhaqaale lagu siinayo qoysaska uu saameeyay Covid-19.

Read Next

Goorma ayay ku beegan tahay Curashada Bisha Ramadaan?