Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Maalinka Koobaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo lagu go’aaminayo aragtida Bisha ayaa la rajeenayaa in ay noqoto Maalinka Jimcada 24 April Sida ay sheegayaan Wadamo Badan oo Carbeed,Kuwaas oo ka jiro bandow la xariiro Cudurka Dilaaga ee CoronaVirus.
Qatar, Egypt, Indonesia, Lebanon, Morocco, Syria, United Arab Emirates iyo wadamo kale oo Muslimiin ah ayaa Sadaalinaya in maalinka Jimcada ay u ahaan doonto Maalinka Koobaad ee Ramadaanka.
Imaaraadka ayaa sheegay in baaritaano ay ku bilaabayaan Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan halka Xukuumada Riyadna ay sheegtay in Habeenka Jimcada ay soo galeyso Ay baaritaanada bilaabi doonaan.
Boqortooyo Sacuudi Carabiya ayaa Muslimiinta dunida ay ku xirtaan Bisha taasoo oo ka dhigan in hada ay muujinayaan in jimcada ay tahay maalinka Koobaad ee Bisha Ramadaan.
Mareykanka iyo Wadamada Yurub ayaa Bulshooyinka Muslimiinta ah ee ku nool wadamadaas waxaa ay sheegayaan in rajeynayaan in Jimcada ay u noqon doonto Maalinka koobaad ee ramadaanka.
Sida ay sheegeen Seynisyahanada iyo Xukuumada Qatarba baaritaano ay sameeyeen ayay ku ogaadeen in bisha Ramadaan ay dhalan doonto Habeenka Jimcada So galeyso.
Sida ay tilmaameen Seynisyahanada Qatar waxa ay sheegeen in 5ta Galabnimo maalinta khamiista bisha laga arki Doono koonfurta iyo Waqooyiga Amerika,Xiliga fiidkiina Guud ahan in caalamka ay kasoo muuqan doonto.


Muuqashada dhalashada Bisha Cusub ayaa saameyn waxaa ku yeelan kara Xaaladaha kala duwan ee Cimilada Taaso mararka Qaar ay Dhici Karto in aan la arkin.
Bilaha Hijriyada ayaa ku dhamaada inta u dhaxeysa 29 ilaa 30 Maalmood,Waxaana ay ku xiran aragtida Dayaxa ee Bisha Cusub marka la marayo Habeenka 29-aad,Hadii aysan Soo muuqan markaas waxaa sida Caadiga ah la dhameestiraa 30-ka maalmood.
Si loogu dhawaaqo Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan,Sacuudiga iyo wadamo badan oo Muslimiinta ayaa dhaariya Dadka sheega in ay arkeen Bisha.
Iyadoo uu jiro cudurka Coronavirus,Howlo badan oo la qaban jiray in lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa la filayaan in laga qaban doonin wadamo badan oo Muslimiin ah kuwaas oo dhaca bariga dhexe ama dunida inteeda kale.
Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in sii wadi doonaan xayiraada saaran dhamaan salaadaha Jameecada ee Gudaha dalka Iyadoo ay ku jirto Tarawiixda.
ISha:-Aljazeera.
