Turkiga oo laga xusayo sanadguuradii 2aad ee Afgambigii dhicisoobay,Sawirro

Xalay oo kale 15kii July 2016kii Dalka Turkiga waxaa uu wajahay mid ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee wax badan ka soo dhacay Dalka Turkiga.

Hayeeshee Habeenkaas waxaa uu ka duwanaa Afgambiyadii dhici jiray oo inta badan guuleysan jiray kanise waa fashilmay.

Survivors share experiences of Turkey's defeated coup bid

Ciidamo ka mid ah Turkiga ayaa la wareegay diyaaradaha dagaalka cirka ee Turkiga,waxaa ay duqeeyeen Madaxtooyada iyo dhismaha Baarlamaanka.

Shacabka Turkiga ayaa isugu soo baxay Waddooyinka waxaana ay diideen in Ciidamada afgambiga waday ay talada dalka la wareegaan.

Subaxii Afgambiga Madaxweyne Erdogan ayaa dadka kala hadlay aaladda Face Time oo ay watay Gabar wariye ah,Wakaalada iyo TV-yada Caalamka waxaa ay xilligaas baahinayeen in Erdogan la afgambiyay islamarkaana uu xiranyahay.

Image result for Erdogan's Facetime Message

Isku dayga Afgambiga fashilmay waxaa ku dhintay 251 Qof,waxaana ku dhaawacmay 2,200 Qof oo u badnaa dad Rayid ah.

Taas waxaa ay sababtay in dowladda Erdigan guusha kaddib ay billowdo olole ka dhan ah taageerayaasha Fatxullahi Gelem oo loo heysto in afgambiga fashilmay ka dambeeyay.

Boqolaal kun oo saraakiil ciidan iyo shaqaale dowladeed ah ayaa shaqada laga saaray,xabsiyada la dhigay halka kuwo kalena ay dibadda u baxsadeen.

Ugama harin Hay’adaha taabacsanaa Gelem ee Dibadda ayaa la xir xiray dabagalna lagu sameeyay,waxaana ay dowladda Turkiga sii wadday cadaadiska ay ku heysto dadka afgambigaas loo heysto.

Bishii April 2017kii Dalka Turkiga waxaa ka dhacay Afti dadweyne oo uu dalka uga baxayo nidaamka Baarlamaaniga ah una wareegayo Nidaamka Madaxtooyada ama fulinta.

Dadku waxaa ay doorteen in dalka u wareego nidaamka Madaxtooyadana lagana guuro baarlamaanka,taas oo isbeddel badan ku sameysay Dastuurka Turkiga.

24kii June 2018 Dalka Turkiga waxaa ka dhacday doorasho ay shacabka ku doorteen Madaxweyne awood badan oo aan lahayn Ra’isalwasaare islamarkaana isaga leh awoodda fulinta soona magaacabaya Golaha Wasiirrada.

Doorashada waxaa ku guuleystay Erdogan oo helay 53% codadkii la dhiibtay,waxaana uu durba magacaabay Golahiisa wasiirrada kaddib markii loo dhaariyay lana caleema saaray.

Turkey to mark 2nd anniversary of 2016 defeated coup

Dalka Turkiga waxaa maanta laga xusayaa sanadguurada 2aad ee afgambigii dhicisoobay ee Turkiga oo fashilintiisa marka laga tago Hay’adda sirdoonka Ruushka oo sirta fakisay la oran karo shacabka Turkiga ayaa kaalin mug leh ka qaatay.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Amiirro u dhashay Imaaraadka oo u baxsaday Dalka Qadar

Read Next

Nin Somali ah oo lagu dilay Syria