MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in uu Dalalka Carabta ku cadaadinayo sidii ay u dardargelin lahaayeen heshiiska Abraham Accords ee lagu naasnuujinayo Maamulka Israa’iil oo aqoonsi ka haysan inta badan Caalamka.
Go’aankaan waxa uu dhashay kaddib markii Benjamin Netanyahu uu aad uga carooday jilicsanaanta siyaasadeed ee Donald Trump uu ku wajahayo Xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan heshiiska Iiraan maadaama uu kasoo dabcay go’aamo badan oo uu ku adkaa.
Si loo weeciyo guuldarrada siyaasadeed ee Donald Trump waxa uu maamulkiisa ku qasbanaaday in uu Dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka uu ka dhigto hubka cusub uu ku wajahayo Iiraan sida xogaha la helayo ay sheegayaan.
Waxaa jira waddamo badan oo horay u aqbalay heshiiska Abraham Accords balse aan dhaqangelin, waxa uu Trump doonayaa in uu xoogga saaro Dalalkaas si ay u dadejiyaan safaarado ay ka furtaan Magaalada Qudus ee Israa’iil ay xoogga ku haysato.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
