Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump & Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa isku dhacay kaddib markii Trump uu dhibsaday duullaanka ka dhanka ah Lubnaan oo jawaab culus dhalisay dibna usoo celisay xiisadda Gobolka.
Donald Trump oo teleefan kala hadlay Benjamin Netanyahu waxa uu si caro ay ku dheehan tahay ku dhahay ‘Jooji dagaalka Lubnaan oo cadaawad badan hasii abuurin’ balse Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hadalkaas dhibsaday sida xogaha ay sheegayaan.
Marar badan ayuu Donald Trump qaatay go’aamo uu uga hor imaanaya tallaabooyin uu damacsanaa iyo kuwo uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu taasi oo hoos u dhigtay xiriirka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe.
Netanyahu waxa uu horay u diiday heshiiska Maraykanka iyo Iiraan, isaga oo ka doorbiday in dagaalka uu sii socdo, waa mid kamid ah tallaabooyinka Donald Trump ku qasbay in uu wax ka baddelo u dhega-furtaanta Hoggaamiyaha Israa’iil.
Sida ay Warrisay Axios, Trump waxa uu diidan yahay sii socoshada dagaalka Bariga maadaama aanay Maraykanka daawan Karin Israa’iil oo culays wajahaysa balse aanay dhankooda awoodin xiligaan sii socoshada dagaallada.
Mustaqbal
