Tottenham Oo garaacday AC Milan.

Kooxda Tottenham ayaa guul hal gool ah ka gaartay kooxda AC Milan oo ay ku wada kulmeen kulan ka tirsan tartanka International Champions Cup-ka ee ka socda Mareykanka.

Goolkaas ay ku badiyeen ayaa yimid daqiiqaddii 47-aad ee qeybta labaad waxaana saxiixay Georges N’Koudou.

Kulan deg degsiimo leh ayuu ahaa waxaana jiray fursado badan ay iska qasaariyeen labada dhinac.

Ugu dambeyn goolka ayaa lagu garaacay kooxda Milan oo gabi ahaanba laga cirib tiray koobka I CC CUP.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Roma Oo dhagta dhiiga u dartay Barcelona kana ciribtirtay koobka I CC Cup.

Read Next

Man United Oo dhulka ku jiiday Real Madrid.