Man United Oo dhulka ku jiiday Real Madrid.

Kooxda United ayaa laba iyo hal waxa ay uga talaabsadeen kooxda Real ka dib kullan ay wada ciyaareen kaasi oo ka tirsan tartanka International Champions Cup-ka ee ka socda Mareykanka.

Laba gool  oo ay kala dhaliyeen Sanchez iyo Ander Herrera oona kala yimid daqiiqadihii 18-aad iyo 27-aad ayay ku soo badiyeen halka goolka Real oo yimid daqiiqaddii 45-aad ee qeybta hore waxaana u saxiixay Benzema.

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar cajiib ah mana jirrin koox si gaar ah kubadda u haysatay.

Qeybta labaad Real wax aay dagaal ugu jirtay goolka bar bar dhaca balse kubadaha helayeen si sax ah ugama aysan faa`ideysan.

Waxaa xusid mudan in Real kulankaan u ahaa koodii ugu horeeyay ee ay ugu diyaar garoobayaan xilli ciyaareedka cusub ee 2018/2019-ka.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Tottenham Oo garaacday AC Milan.

Read Next

Barcelona oo ku dhawaaqday qiimaha ay ku fasaxeyso Paco Alcacer.