Taliyihii Booliiska Degmada Jariiban oo la dilay iyo kulamo ka socda halkaasi

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay degmada Jariiban ee gobolka Mudug loogu geystay Taliyihii Saldhiga Booliiska degmadaasi, Guulleed Cabdiqaadir Kadleeye.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo ay yeesheen maamulka gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay Eedeysanaha.

Kulamadan oo ay ka qeyb galeen Ehelka marxuumka iyo odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in maanta la aaso taliyaha, isla markaasna caddaalada la horgeeyo eedeysanaha.

Maamulka gobolka iyo Laamaha Amniga weli ma faahfaahin sababta dilka Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Jariiban.

Dilkan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay degmada Jariiban iyo deegaannada hoos yimaada ay ka socdeen howlgallo hub aruurin ah, si loo xaqiijiyo Amniga.

Taliye Guulleed ayaana bixiyay amarka in aan hub ama qalab wax dila lagu dhex arki karin gudaha degmada Jariiban.

Mustaqbal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MM Staff

Read Previous

Muxuu yahay baaritaanka lagu billaabay ciyaartoy ka tirsan Xulka Argentina?

Read Next

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda