Taliyayaal Boolis oo tababar loogu soo xiray Muqdisho,Sawirro

Taliska Boolisk AMISOM ayaa magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray Taliyayaasha 40 Saldhig Boolis oo ka mid ah Booliska Soomaaliya.

40-ka Taliye ee tababarka ka qeybqaatay.

Taliyayaasha Booliska Soomaaliya ee tababarka qaatay ayaa laga kala keenay Maamul Goboleedyada kala ah Galmudug, HirShabelle, iyo Jubaland.

Taliyayaasha oo ku jira tababarka.

Waxaa uu Tababarkan oo Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay socday toban maalmood,waxaana la barayay Hoggaanka iyo maareynta.

Labo ka mid ah Taliyayaasho oo Haween ah, heystana shahaadooyinkii tababarka.

Taliyayaasha ayaa loogu talagalay in ay maamulaan islamarkaana hoggaan wanaagsan u horseedaan askarta ku sugan Saldhigyda ay Taliyayaasha ka yihiin.

 

Web master

Read Previous

Dhageyso:- Arday maanta Arday kale ku dilay Magaalada Baladweyne.

Read Next

Deni oo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Puntland