Tababare Valverde oo ka hadlay go’aankii Messi uu ka qaatay xulkiisa Argentina, Muxuu yiri?

Tababaraha kooxda Barcelona ayaa si layaab leh uga hadlay go’aankii uu Messi ka gaaray xulkiisa Argentina.

Xulka qaranka Argantina ayaa ku soo haray wareega 16-ka koobka aduunka 2018, wuxuuna Lionel Messi ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah uu kaga maqnaan doono xulka Tango.

inkastoo ay fursad muhiim ah u tahay kooxda Barcelona in Messi uu ka maqnaado kooxda Barcelona, hadana Valverde  ayaa ka warbixiyay muhiimada ay leedahay Lio inuu dib ugu laabto xulka Tango isago ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka cwa wuxuuna yiri”

“Lionel Messi wuxuu dareemi doonaa raaxo hadii uusan u ciyaarin xulka Argantina, laakiin waan ka war qabnaa inuu doonayo inuu u ciyaaro, warka ugu fiican ee Barcelona ayaa ah in Messi uu u ciyaaro Argentina”.

“Waxaan dooneynaa in Messi wax walba ay ugu socdaan sida ugu fiican, Barcelona waxay rajeeneysaa in sidaas ay dhacdo, waxaan dooneynaa in si fiican uu u shaqeeyo meel walba uu joogo, sidoo kale wuxuu doonayaa inuu shaqeeyo saacado badan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

David Luiz oo go’aansaday in uu heshiiska u kor dhiyo kooxdiisa Chelsea.

Read Next

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey oo soo gaaray Muqdisho,Sawirro