Tababaraha Xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa shaaca ka qaaday in uu codkiisa xiddiga ugu fiican sanadka 2018 siiyay xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric.
Modric ayaa qaab ciyaareed waali ah soo bandhigay sanadkan isaga oo kooxda Real Madrid kula guulaystay tartanka champions League waliba markii 3-aad oo xidhiidh ah.
Sidoo kale Modric ayaa xulka qarankiisa ka caawiyay in ay gaarto finalka koobkii adduunka ee ka dhacay dalka Russia ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin France.
Tababaraha Tite ayaa sheegay in uu xiddiga ugu fiican codkiisa siiyay Luka Modric isaga oo kaalinta 2-aad siiyay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah Ugu dambayna kaalinta 3-aad u doortay xiddiga Cristiano Ronaldo.
