Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Dowladda Suuriya ayaa hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Munaasabadda Maalinta Xurriyadda ee 1da Luuliyo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi.
Suuriya ayaa Soomaaliya u rajeysay nabad, xasilooni, iyadoo tilmaamtay in ay sii xoojin doonto xiriirka laba geesoodka ah ee labada Jamhuuriyadood.
Sidoo kale, Bayaanka Dowladda Suuriya ayaa lagu caddeeyay in ay Ixtiraamayaan Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya, sida ay tilmaamayaan xeerarka caalamiga ah.
Dalalka Soomaaliya iyo Suuriya ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo soo jireen, iyadoo qaxooti ka yimid dalkaasi ay ku nool yihiin magaalooyinka Soomaaliya.
Mustaqbal
