Suuriya oo sanad moog Xukunkii reer Asad & Dabbaaldegyo ka socda Dalkaas

Dalka Suuriya waxaa ka socda dabbaldegyo waa weyn oo lagu maamuusayo sanad-guurada koowaad ee kasoo wareegtay markii lasoo afjaray xukunkii muddada dheer ee qoyska Reer Assad, waxaana isbaddelay siyaasadda, amniga, dhaqaalaha & arrimo kale.

Dadka ayaa bogaadiyay dedaalkii isbaddelka degdega ah dhaliyay ee talada looga tuuray reer Asad, waxaana ay sheegeen in isbaddelkaas uu dheliyay inay la falgalaan dunida inteeda kale oo markii hore ka xayirnaayeen.

Madaxweynaha Suuriya ayaa sheegay in sanad gudihiisa uu dib usoo celiyay maqaamka Suuriya isla markaana uu la hadlay dalalkii dhibaatooyinka ku hayay dalkiisa si ay u garab istaagaan Dowladda uu hoggaaminayo.

Xusuusta dadka qaar in la xuso maalintaan uma wanaagsana maadaama dad badan oo ehelkooda ah lagu dhibaateeyay nidaamkii Asad, waxa ay sheegeen inay maalintaan uga dhigan tahay sidii markii xornimada ay qaateen oo kale.

Madaxweyne Axmed Al-Sharci ayaa shacabka ka dalbaday in ay kordhiyaan garab istaagga Dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqaynaya horumarinta dalkaas oo weli howlo adag ay ku socdaan sidii hiigsigaas loo gaari lahaa.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dhul-gariir ku dhuftay Japan oo sababay dhaawaca in ka badan 30 ruux

Read Next

Baarlamaanka Puntland oo la hordhigay qaraar ku saabsan in uu Khaadka ka mamnuuco deegaannada maamulkaas