MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Dowladda Suuriya ayaa dhaqaale badan ka samaysay inta uu socday dagaalka bariga dhexe ee billowday 28kii Febaraayo sanadkaan 2026 kaas oo u dhaxeeya Maraykanka oo garab ka helaya Israa’iil waxaana kasoo horjeeda Iiraan.
Duullimaadyada ugu badan ee ka weecday Dalal badan ayaa xooggooda u wareegsaday Hawada Suuriya oo nabadgalyo ah si aanay waxyeello uga soo gaarin, Xukuumadda Dimishiq ayaa halkaas ka heshay fursaddaan ay dhaqaalaha badan ku heshay.
11,801 Duullimaad ayaa maray Hawada Suuriya bishii dhowaan dhammaatay ee May, tani waxa ay labo jibbaartay duullimaadkii hawada dalkaas maray kahor colaadda sida lagu sheegay warbixintaan waxaana tirada duullimaad xiligaas la shaaciyay in uu ahaa 4,267
Fariintaan ayaa sidoo kale muujinaysa dib usoo laabashada kalsoonida Hawada Suuriya oo muddo 14k sano ah loo aqoonsanaa mid khatar ah sababo la xiriira dagaalka dalkaas ka socday ayaa si toos ah uga soo kabtay xaaladdaas.
Suuriya ayaa heshay lacag ku dhow Toban Milyan oo Doollar oo isticmaalka hawadeeda ah iyada oo la saadaalinayo in ay intaas ka badan karto maadaama aanay jirin warbixin ka timid Hay’adda Guud ee Duullista Rayidka Dalkaas.
Mustaqbal
