SSC Khaatumo “Waa khad cas in muran la galiyo jiritaankeena”

Maamulka SSC Khaatumo ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalka dhawaan ka soo yeeray Puntland oo la xiriira diidmada aqoonsiga gobollada Sool iyo Ceyn.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka SSC Khaatumo, Maxamed Cabdi Ismaaciil ayuu ku sheegay in aysan cid xaqiri karin Maamulka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

“Waxaa nasiib darro ah qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Guadaha ee Puntland, Maamulka SSC Khaatumo waa Dawlad xubin ka ah hannaanka Federaalka ee Dalka kaaso aan cidna laga aqbalayn inay suaal galiso jiritaankeeda” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka SSC Khaatumo

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in khad cas yahay in muran la galiyo aqoonsigooda, taasina aysan aqbaleyn.

Hadalka ka soo yeeray SSC Khaatumo ayaa ku soo aadaya xilli Puntland ay sheegtay in ay dhulkeeda kamid yihiin gobollada Sool iyo Ceyn, isla markaasna aysan aqoonsan doonin hannaanka dhismaha SSC Khaatumo.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay in aysan aqoonsaneyn hannaan dhismaha SSC Khaatumo

Read Next

Sooyaalka Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka iyo Shaqooyinka horyaala!