Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa July 10, 2025 ansixiyay xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo ka kooban 15 xubnood, labo xubnood oo ka mid ah ayaa haween ah halka 13-ka kale ay rag yihiin.
Geeddi socodka xulista xubnaha guddiga ayaa soo maray heerar kala duwan, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa masuuliyiin u xilsaartay soo xulista guddigaan, iyada oo sidoo kale u dejisay shuruudo iyo halbeegyo sharciyeed oo lagu dhisayo guddiga.
Guddigaan ayaa xeer ahaan ku dhisan Sharciga Tacliinta Sare ee Qaranka (LR.30) kaas oo soo baxay bishii Disember 2024. Guddiga ayaa hawshiisu tahay in uu hoggaamiyo, maamulo, islamarkaana hago hay’adaha tacliinta sare ee dalka, si waafaqsan sharciga tacliinta sare ee dalka.
15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay guddiga ayaa ah aqoonyahanno leh khibrad iyo waayo-aragnimo la xiriirta arrimaha waxbarashada iyo maamulka, iyaga oo ka shaqeyn doona horumarinta hay’adaha tacliinta sare ee dalka.
Haddaba maxaan ka na qanaa Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka?
Guddigan waxaa hoggaaminaya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamuud oo ah aqoonyahan haysta shahaadada PhD ee Maamulka Waxbarashada taasoo uu ka qaatay Jaamacadda Ohio ee dalka Maraykanka.
Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamud ayaa leh 30 sano oo waayo-aragnimo dhanka waxbarashada iyo maamulka ah, waxa uu horey u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, isagoo sidoo kale la-taliye sare usoo noqday hay’ado caalami ah sida UNESCO iyo World Bank.
Dr. Maxamed Cali Faarax, oo shahaadada PhD ka haysta cilmiga Shareecada iyo Qaanuunka, ee Jaamacadda Qur’aanka Kariimka iyo Culuumta Islaamka ee dalka Suudaan, ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga.
Dr. Maxamed ayaa leh 25 sano oo waayo-aragnimo dhanka macallinimada iyo maamulka waxbarashada ah, isagoo horay usoo noqday Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda iyo Dastuurka Maamulka Puntland iyo sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacadda Boosaaso.
Dr. Ayaan Sh. Cabdullahi Maxamed, oo kamid ah xubnaha guddiga, ayaa haysta shahaadada PhD ee Waxbarashada taasoo ay ka qaadatay Jaamacadda Medina International University ee dalka Malaysia. Dr. Ayaan ayaa leh 15 sano oo waayo-aragnimo dhanka tababarka macallimiinta iyo dib-u-habaynta manhajka waxbarashada ah. Waxayna horay u ahayd macallin ka tirsan Jaamacadda SIMAD.
Dr. Axmed Adam Maxamed, oo xubin ka ah guddiga, ayaa isaguna haysta shahaadada PhD ee Daraasadda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, waxa uu lee yahay 13 sano oo waayo-aragnimo dhanka caafimaadka, waxbarashada iyo tacliinta sare ah. Dr. Axmed ayaa horay la-taliye sare uga soo noqday Wasaaradda Caafimaadka, isagoo sidoo kale bare sare ka noqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Dr. Rooble Ibraahim Liibaan, oo xubin ka ah guddiga, ayaa haysta shahaadada PhD ee Injineeriyada Madaniga taasoo uu ku diyaariyay Jaamacadda Farsamada Konya (Konya Technical University) ee dalka Turkiga. Dr-ka ayaa leh 18 sano oo waayo-aragnimo tiknoolajiyadda shubka (concrete technology) iyo falanqaynta dhismayaasha (structural analysis), waxa uu horay uga soo shaqeeyay Jaamacadda Eelo, Jaamacadda Camuud iyo Jaamacadda Muqdisho.
Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar, oo xubin ka ah guddiga, ayaa haysta shahaadada PhD ee Taariikhda Casriga ah taasoo uu ku diyaariyay Machadka Daraasaadka Carabta ee magaalada Qaahira. Dr. Cabdulqaadir ayaa leh 15 sano oo waayo-aragnimo ah taasoo isugu jirta macallinimo iyo xilal diblomaasiyadeed oo uu ka soo qabtay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait, Sidoo kale, Dr. Cabdulqaadir ayaa kamid ahaa Guddiga Kumeelgaarka ah ee Tacliinta Sare.
Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi), oo xubin ka ah guddiga, ayaa haysta shahaadada PhD ee Waxbarashada, isagoo ku takhasusay Horumarinta Manhajka iyo Siyaasadda Maamulka Waxbarashada, taasoo uu ku qaatay Jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan.
Dr. Cabdishakuur ayaa leh 25 sano oo waayo-aragnimo dhanka maamulka iyo qorsheynta waxbarashada ah, waxa uu horay u soo qabtay xilal sare sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hormuudka Kulliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho, iyo La-taliye Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Dr. Cabdullahi Maxamud Shariif ayaa kamid ah xubnaha guddiga, waxa uuna haystaa shahaadada PhD ee Teknoolajiyadda Macluumaadka (IT), taasoo uu ka qaatay Jaamacadda Teknoolajiyadda Petronas ee dalka Malaysia. Dr. Cabdullahi Maxamud Shariif wuxuu leeyahay 21 sano oo waayo-aragnimo macallinimo iyo waxbarashada sare ah.
Dr. Cabdiwahab Cali Mumin, oo xubin ka ah guddiga, ayaa haysta shahaadada PhD ee Cilmiga Bulshada Siyaasadeed (Political Sociology), taas oo uu ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ee Omdurman ee dalka Suudaan. Dr. Cabdiwahab ayaa leh 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan hoggaanka tacliinta, cilmi-baarista, iyo maaraynta jaamacadaha. Dr. Cabdiwahab wuxuu horey u soo noqday Guddoomiyaha Guddiga KMG Tacliinta Sare iyo Agaasimaha Jaamacadda Islaamiga ee Muqdisho.
Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman ayaa isaguna haysta shahaadada PhD ee Daaweynta Xoolaha (Veterinary Medicine), taasoo uu ku diyaariyay Jaamacadda Milano ee dalka Talyaaniga. Dr. Cismaan ayaa leh 26 sano oo waayo-aragnimo macallin jaamacadeed ah.
Dr. Faysal Cabdirahman Cabdullahi, oo xubin ka ah guddiga, ayaa haysta shahaadada PhD ee Maamulka Ganacsiga, taasoo uu ka qaatay Jaamacadda Asia University ee dalka Malaysia. Dr. Faysal wuxuu leeyahay 15 sano oo waayo-aragnimo dhanka hoggaaminta tacliinta sare ah, isagoo horey usoo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Jaamacadda Badda Cas (Red Sea University) iyo Bare Sare oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho.
Dr. Maxamed Macalim Cabdullahi Kutub oo haystaa shahaadada PhD ee Horumarinta Manhajka, taasoo uu ku diyaariyay Machadka Daraasaadka Carabta (Institute of Arab Research and Studies) ee magaalada Qaahira, dalka Masar, ayaa leh 26 sano oo waayo-aragnimo dhinaca waxbarashada iyo horumarinta manhajka ah. Wuxuu sidoo kale bare sare ka yahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Dr. Maxamad Ibraahim Nuur wuxuu haystaa shahaadada PhD ee Cilmiga Maaliyadda, taasoo uu ku diyaariyay Jaamacadda Sains Malaysia ee dalka Malaysia. Dr. Maxamad Ibraahim Nuur wuxuu leeyahay 15 sano oo waayo-aragnimo ah oo isugu jirta macallinimo, waxbarasho, iyo saameyn siyaasadeed. Wuxuu horey usoo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Horumarinta Miyiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JFS, La-taliye Sare, iyo Raktar ku-xigeenka Jaamacadda SIMAD.
Dr. Maxamud Yuusuf Garre wuxuu haystaa shahaadada PhD ee Cilmiga Waxbarashada, taasoo uu ka qaatay Jaamacadda Nottingham ee dalka UK, isagoo ku takhasusay Siyaasadda Waxbarashada iyo Horumarinta Nidaamyada Waxbarasho. Dr. Maxamud Yuusuf Garre wuxuu leeyahay 12 sano oo waayo-aragnimo ah oo la xiriirta macallinimo, tacliinta sare iyo cilmi-baarista. Dr. Maxamud wuxuu horey boosas hoggaamineed oo sare uga soo qabtay Jaamacadda City ee Muqdisho iyo Machadka Heritage.
Dr. Nadiifa Sheekh Cumar, oo ah xubinta ugu dambeysa ee guddiga, waxay haystaa shahaadada PhD ee Nabadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarka, taasoo ay ku diyaarisay Jaamacadda UPEACE ee dalka Costa Rica. Dr. Nadiifa waxay leedahay 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan siyaasadda, xuquuqda haweenka, iyo horumarinta waxbarashada. Dr. Nadiifa waxay horey la-taliye sare uga soo noqotay Madaxtooyada Soomaaliya.
Ugu danbayn guddiga cusub ee Tacliinta Sare ee Qaranka ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro horumarinta hay’adaha waxbarashada sare ee dalka, iyadoo laga duulayo khibradda, aqoonta, iyo xirfadaha ay xubnuhu leeyihiin. Waxaa la rajeynayaa in shaqadooda ay wax weyn ka tari doonto tayeynta tacliinta sare ee Soomaaliya.
Mustaqbal
