Spain oo diiday in gudaha dalkeeda Mareykanka ka weeraro Iiraan

Dowladda Spain ayaa diiday in hawadeeda loo isticmaalo weerar uu Mareykanka ka fuliyo gudaha dalka Iiraan, xilli uu sii faafayo dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

Ugu yaraan 15 diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada milateriga ee Maraykanka ay isaga baxay saldhigyada Rota iyo Moron ee koonfurta dalka Spain, ka dib markii ay dawladda Spain ku dhowaqday in aan loo oggolaan doonin Maraykanka inuu dhulkeeda u adeegsado weerarada ka dhanka ah dalka Iiraan.

Bixitaanka Ciidamada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay barta FlightRadar24 oo muujineysa in Diyaaradaha Mareykanka ay si rasmi ah uga baxeen dalka Spain.

Diyaaradahan oo u badnaa nooca shidaalka siiya diyaaradaha dagaalka (KC-135 Stratotankers), ayaa la sheegay in toddobo ka mid ah ay ka degeen saldhigga Ramstein ee dalka Jarmalka, halka qaarkoodna ay u duuleen dhinaca koonfurta Faransiiska.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain, Jose Manuel Albares, ayaa caddeeyay in Spain aysan marnaba oggolaan doonin in saldhigyada milateri ee dalkeeda kuwaas oo ay si wadajir ah u maamulaan Maraykanka iyo Spain balse hoos taga madax-bannaanida dalkaas loo adeegsado weerar dhiig ku daato oo ka dhan ah Iiraan.

Spain ayaa si adag u cambaareysay weeraradaas, iyadoo ku tilmaamtay kuwo ka baxsan sharciga caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sidoo kale ku sifeeyay weerarada Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan kuwo khalad ah oo horseedi kara xasillooni darro caalami ah.

Mowqifka Spain ayaa ka dhigay mid ka duwan saaxiibadeeda kale ee reer Yurub, sida Ingiriiska, kaas oo oggolaaday in saldhigyadiisa loo adeegsado waxa uu ugu yeeray is-difaacid wadajir ah.

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa duqeymaha ay ka fuliyeen gudaha Iiraan ku dilay boqolaal ruux oo ay ku jiraan Madax sare sida Hoggaamiyihii dalkaasi, Ayatollaahi Cali Khamenei.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

James Swan oo dib u eegista Dastuurka kala hadlay Guddoomaha Golaha Shacabka

Read Next

Maraykanka oo dhaqaale xooggan geliyay Dagaalka ka dhanka ah Iiraan