Soomaaliya oo Xubin ka noqotay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobe.

Dowladda Deferaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay loo doortay xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobe muddo seddex sano ah oo ka bilaabaneysa 1-da Janaayo, 2019-ka.

Xubinnimada Soomaaliya ayaa ku eg sanadka 2021-ka, waxaana Cod ay dhiibteen 193 Dal Soomaaliya ay ka heshay 170-kamid, 20-dal oo kaliya ayaa diiday, mana jirin cod aamusnaan ah.

93-da xubnood ee Golaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa kulan Doorasho ah qabsaday si loo doorto xubnaha cusub ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobe.

18-ka xubnood ee cusub ee la doortay waxa ay ku soo baxeen Cod aqlabiyad leh oo si qarsoodi ah loo qaaday.

Dal waliba oo xubin ka noqonaya Golahaasi waxaa looga baahnaa in uu la yimaado Codad aan ka yareen 97 cod si loogu doorto Xubinnimada Golaha.

Danjiranaha Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobe ee Geneva Faadumo Cabdullaahi Insaaniya oo la hadashay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegtay in Fursadda Soomaaliya ay ku heshay Xubinnimada Golahaan aan dayici doonin.

Guul usoo hoyotay Soomaaliya ayay ku tilmaamtay maadaama Codadka ay heshay marka la eego in ay muujineyso sida Soomaaliya lala doonayo Booskaan sida ay hadalka u dhigtay.

Soomaaliya ayaa u ah markii ugu horeysay oo ay Xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobe oo ay raadineysay Muddo ka badan Sanad.

Mustaqbal media

Read Previous

Taallo Xasuuseed laga dhisay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Read Next

Muxuu ku saabsan yahay Fadhiga Golaha Shacabka ee Maanta?