Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa howlaha lagu horumarinayo Mustaqbalka Garaadka Macmalka ah iyada oo laga eegayo dhinacyo kala duwan sida ku cad doodda Xarunta Garaadka Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed SNAIC.
Dood-Cilmiyeedka waxa ay kulansiisay Wakiillo ka socday Jaamacadaha, Shirkadaha Teknoolajiyadda iyo Hay’ado kale si loo mideeyo aragtiyada ku saabsan xoojinta aasaaska garaad gacmeedka Soomaaliya iyo sida loo horumarin lahaa.
Natiijada kasoo baxday kulanka ayaa ah in la dhiso xarumo ama xafiisyo u gaar ah Garaad Gacmeedka Soomaaliya, Dejinta Siyaasado hagaya adeegsiga mas’uuliyadda leh, kor u qaadidda aqoonta aaladdaas, soo saarista khubarro Soomaaliyeed oo heer sare ah iyo horumarinta xalal maxali ah loogana faa’iidaysto Caafimaadka, Beeraaha, Waxbarashada iyo Ganacsiga.
Agaasimaha Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed (SNAIC), Dr. Maxamed Sheekh Aadan Isaaq ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta leh ee loo baahan yahay si loo xoojiyo aasaaska Garaad Gacmeedka Soomaaliya.
“Si loo dhiso mustaqbalka Garaad Gacmeedka dalkeenna, waxaa loo baahan yahay in la maalgeliyo horumarinta khubaro heer sare ah, la xoojiyo Aqoonta Garaad Gacmeedka, lana dhiirrigeliyo adeegsigiisa mas’uuliyadda leh. Waxaa sidoo kale muhiim ah in hay’aduhu horumariyaan xalal ka jawaabaya baahiyaha iyo mudnaanta Soomaaliya.” ayuu yiri Agaasimaha SNAIC, Dr. Maxamed Sheekh Aadan Isaaq
Prof. Fu’aad Mire Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka Qorsheynta iyo Horumarinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo furay kulanka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan isku-dubbaridan iyo iskaashi xooggan oo dhex mara daneeyayaasha muhiimka ah.
“Horumarinta Garaad Gacmeedka dalkeenna waxay u baahan tahay dadaal isku-dubbaridan. Jaamacadaha, dowladda, ganacsiyada iyo hay’adaha kale mid walba wuxuu leeyahay door muhiim ah, waxaana lagama maarmaan ah in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya si kor loogu qaado awoodda jirta, loo xoojiyo hay’adaha, loona horumariyo xalalka looga baahan yahay mustaqbalka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Ku-xigeenka Qorsheynta iyo Horumarinta JUS, Prof. Fu’aad Mire Xasan
Ka qaybgalayaasha ayaa inta ay socotay Dood cilmiyeedkaan waxa ay ku biiriyeen aragtidooda iyaga oo booriyay in la dardargeliyo soo saarista khubarro ku xeeldheer Garaad Gacmeedka iyo la sameeyo xarumo ama Xafiisyo u gaar ah.
Waxaa sidoo kale waxaa kulanka Doodda ah kasoo baxay in Bulshada Soomaaliyeed lagu baro adeegsiga togan ee Garaadka macmalka ah iyada oo si wanaagsan looga faa’iidaynayo Guudd ahaan Dadka loogana fogaanayo waxyaabo aan faa’iido u ahayn in loo adeegsado.
Gunaanadkii kulanka Dood-Cilmiyeedka ahaa waxaa lagu soo afjaray talooyin iyo qeexidda mas’uuliyadaha daneeyayaasha kuwaas oo saldhig u noqon doonna qoraal siyaasadeed oo lala wadaagi doonno Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha Tacliinta sare, kuwa kale ee Ganacsiga iyada oo SNAIC ay dabagali doonto talooyinkaas.
Mustaqbal
