Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Xabbad-joojinta iyada oo ku baaqday in la taageero Falastiin

Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskii xabbad-joojinta ee Magaalada Sharma Al-Sheekh Dalka Masar ku dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil si loosoo afjaro colaadda dhiigga badan ku daatay ee labadii sano lasoo dhaafay xooggaysatay.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay garab taagan tahay dedaal weliba oo lagu gaari karo nabadda Falastiin iyo Dowlad awood leh oo dadkaas yeeshaan sida hadalka loo dhigay.

Waxa ay rajo ka muujisay Soomaaliya in uu si dhab ah u dhaqangalo heshiiskaan kana duwanaado heshiisyadii hore ee fashilmay iyo kuwa waqti kooban socday balse cusboonaysiinta waayay ee sababay in colaaddu dib u qaraxdo.

“Soomaaliya waxa ay rajayneysaa in heshiiskaan uu noqdo mid tallaabo dhab ah loo qaaday dhinaca Nabadda iyo caddaaladda oo dhammeystiran si Shacabka Falastiin uga baxaan silica amni darrada, xiisadda gobolkana u degto” Sidaasi waxaa yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka sida cad u garab istaagay Falastiin, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku fadhiso sanadkaan waxa ay ku difaacday qadiyadda Falastiin iyada oo ku baaqday in xabbadda la joojiyo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Google oo sheegtay in weerar dhinaca Internet-ka ah lagu beegsaday in ka badan 100 Shirkadood

Read Next

Booliiska Kenya oo dagaal kula jira burcad dhac ka gaysata Dalkaas