Soomaaliya oo beenisay in Moos looga keeno Kenya

War kasoo baxay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya in Moos laga keenay Kenya in dalka la keeno, waxaana ay Wasaaraddu ku baaqday in laga fogaado wararkaas been abuurka ah.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa qoraalkaan kooban daabacday kaddib markii Baraha Bulshada ay aad u qabtay hadal-haynta ka dhalatay wararkaas lagu sheegay in Moos laga keenay Kenya in Soomaaliya lo iib keenno.

“Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS waxay beeninaysaa wararka dad qaarkiis wareejinayaan ee sheegaya in Kenya moos farabadan Soomaaliya u soo dhoofiso” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Beeraha XFS

“Waxaana shacabka ugu baaqeynaa inay xogta ay ka qaataan oo keliya ilaha rasmiga ah ee Wasaaradda” Waxaa sidaasi la sii raaciyay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka si weyn u beerta Mooska, waxaana si joogta ah muuska kasoo go’a beeraha Dalka loogu iib geeya Muqdisho iyo Gobollada Dalka inkasta oo qiima koror uu ku yimid lacagaha la kala iibsado.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Shiinaha oo Soomaaliya u tababaray Saraakiil Ciidan

Read Next

Maxay kawada hadleen Madaxa AUSSOM & Ku simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya?