Soomaaliya maxay la tagaysaa Shirka Isbedelka Cimillada Aduunka ee maanta ka furmay dalka Azerbaijan?

Magaalada Baku, ee dalka Azerbaijan waxaa maanta ka furmay shirkii 29-aad ee isbadalka Cimillada Adduunka ee Qaramada Midoobay, kaas oo sanad walba bishaan oo kale la qabta, iyada oo looga hadla arrimaha la xiriira Isbadalka Cimillada ee adduunka ka jira.

Shirka oo socon doona illaa 22 bishaan, waxaa sanadkaan ka qeyb galaysa marti kor u dhaafaysa 50 kun oo qof kuwaas oo ka kala socda waddamada caalamka, iyo 200 oo madaxda Caalamka, kuwaas oo khudbado kala jaad ah oo diiradda saaraya Isbadalka cimillada ka jeedin doona muddada uu socda shirka.

Hal ku dhigga shirka sanadkaan ayaa ah Shirkii  Maaliyadda (COP of Finance), waxaa diiradda lagu saaraya maaliyadda cimilada iyo hirgelinta qodobka 6-aad ee heshiiskii Paris, waxaan hoggaamin doona  Mukhtar Babayev oo ah Wasiirka Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Azerbaijan.

Shirkaan ayaa Soomaaliya waxa uga qeyb gali doona Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada. Dowladda Soomaaliya ayaa shirka la tagi doonta qorsha wax looga qabanaya saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalka, iyada oo lagu soo bandhigayo fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo sanad & afar bil kaddib hoggaaminaya Ciidanka Xoogga Dalka

Read Next

Joe Biden & Benjamin Netanyahu oo Khilaaf xooggan soo kala dhex galay