Soomaaliya iyo Ruushka oo wada saxiixday heshiis is afgarad ah oo lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka ayaa wada saxiixday heshiis is afgarad ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadam iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Ruushka, Oleg Salagay ayaa magaalada Geneva ku wada saxiixday heshiiskaasi.

Labada dhinac ayaa sheegay in heshiiska uu la xiriiro dhinacyada horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta iyo tababarida shaqaalaha.

Image

Wasiirk Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in heshiiska ay ka faa’iideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan sidii sare loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaadka.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo dhow, iyagoo iska taageera dhinacyada caafimaadka, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Hay’adda NIRA oo in ka badan 38,000 oo qof oo Barakacayaal ah siisay kaarka aqoonsiga qaranka

Read Next

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Midowga Yurub kala wareegay agab milatari