Soomaaliya iyo Koofur Kuuriyada oo ka wada hadlay Amniga Badaha

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya, Kang Hyung-shik.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya ee dhinacyada amniga badaha, horumarinta hay’adaha amniga, la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo taageerada farsamo ee ay helaan Ciidamada Qalabka Sida.

Safiirka Koofurta Kuuriyada ayaa tilmaamay in ay markasta garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya Amniga dalkooda.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfurta Kuuriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay sii adkeyn doonaan Iskaashiga labada dal.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Mareykanka oo Sacuudiga u oggolaaday inuu horumariyo Nukliyeerka Rayidka

Read Next

Soomaaliya oo Cambaareysay Hanjabaadaha Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Sacuudiga