MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga Saldanadda Cumaan, ayaa magaalada Muscat wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa dalkaas, Sayid Badr bin Hamad Al Busaidi.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyo badan leh, iyadoo laga duulayo danaha wadaagga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.
Labada Wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika. Waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami si loo gaaro horumar waara iyo nabadgelyo lagu kalsoonaan karo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Sayid Badr Al Busaidi, ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu si buuxda u taageersan yahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in mowqifka Saldanadda Cumaan uu ku dhisan yahay ixtiraamka nidaamka dowladeed ee Soomaaliya, isagoo xusay in aan la aqoonsan karin wax kasta oo ka baxsan hannaankaas sharciyeed.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Cumaan soo dhoweynta diirran ee walaaltinimo.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Carabta iyo kuwa dariska ah, si loo horumariyo amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka.
Mustaqbal
