Somaliya oo marti gelineysa shirka Jaamacadda Carabta

Dalka Soomaaliya ayaa marti gelin doona shirka xiga ee Ururka Jaamacadda Carbta kaas oo la filayo in uu dhoco biloowga sanadka soo socda ee 2019ka.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Soomaaliya ay ku guuleysatay hoggaanka Ururka Jaamacadda Carabta ee sanadka soo socda ee 2019ka.

Soomaaliya ayaa marti gelin doonta shirka 151aad ee Ururka Jaamacadda Carabta kaas oo ka dhacaya meel ka mid ah Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku biirtay Jaamacadda Carabta sanadkii 1974tii,waxaana Ururkan la dhisay 1945tii markaas oo lagu dhisay lix dal oo ay ka mid ahaayeen Masar, Ciraaq, Joordan, Lebanon, Sucuudiga  iyo Suuriya.

Soomaaliya ayaa marti gelisay SHirka Golaha Wasiirrada ee Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ahaa kii 53aad ee IGAD,waxaana uu ka dhacay Muqdisho sanadkii 2015kii.

Mustaqbal media

Read Previous

Tottenham Hotspur oo Porto ka heshay badalka Dambele.

Read Next

Ivan Rakitic: “Luka Modric waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka”