Sigaarka nooca electrooniga ah oo la ogaaday in uu ka halis badanyahay sigaarka caadiga ah.

Guud ahaanba sigaar cabista ayaa ah waxa ugu weyn ee sababa dhimashada wadna xanuunka. Hadda waxaa soo baxay cadeymo cusub oo muujinaya sigaarka nooca electarooniga in isagauna uu sababo wadna xanuun aad u daran taasoo dad farabadan ay u geeriyooden. Laba daraasadood oo kala madax banaan ayaa lagu soo bandhigi doona kulanka soo socda ee American Association heart .

Daraasadahaan, ayaa muujiyay in cabista sigaarka loo yaqaano E-cigarettes ka uu saameyn ku leeyahay dufan ka ku jira bani’aadamka ee cholesterol ka loo yaqaano iyo awooda xididada jirka ay ku tuuraan dhiiga. Daraasadahan mid kamidah oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka socda jaamcadaa Bostan qeybta caafimaadka ayaa la’ isku barbardhigaya afar group oo kamid ah dadka waaweyn : dadkaas ayaa kala ah, kuwa caba sigaarka electarooniga ah, kuwa sigaarka caadiga ah caba , kuwa labadaba caba iyo kuwa aan gabi ahaanba sigaarka cabin.

Dadka daraasadaan ay qiimeynta ku sameysay ayaa gaaraaya 476 qof,  kuwaas oo ahaa dad caafimaad qaba sidoo kalana aan laga helin cudurka wadna xanuunka. Laakiin dadka caba sigaarka loo yaqaano E-cigarettes ka, ayaa laga helay cudurka LDL cholesterol ka nooca heerkiisu sarreeyo marka lala barbardhigo kuwa aan sigaarka cabin gabi-ahaan. Sidoo kale waxaa iyagana laga helay cholesterol ka nooca HDL ee heerkiisu hooseeyo, kuwa labadaba caba, waa sigaarkaa caadiga iyo e-ciggretes ka e’.

Waa wax dagdag ah waaxa hada ku dhacaya dadka cabaa sigaarka electrooniga ah sidaa waxaa yiri Dr: Sana Majid oo ah gabadha daraasadan qortay isla markaana ah macallimad waxa ka dhiga Boston university college of medicine. Wali waxa jira waxyaabo naga ga daahson cabista sigaarka electrooniga ah saameyna uu keeni doono waqtiga dheer ayey raacisay iyada oo wareysi siineysay telefashinka NBC News

Daraasad labaad ayaa muujisay sida labada nooc ee sigaarka oo ay ku jirto maadada loo yaqaano nicotin ay u saameyso awooda wadnaha uu ku tuuro dhiiga, iyo marka qofku sameynayo jimicsi iyo marka uu jirkisa ku jiro nasasho. dadka daraasadaas ka qeybqaatay ayaa da’dooda u dhaxeysay 20 ilaa 30 jir. Iyo dad kale oo dheeraad ah kuwaaas oo aan isticmaalin wax soo saarka tobaakada.

Sida caadiga ah qofka aan isticmaalin sigaarka, ququlka dhiigiisa waa uu kordhaa marka uu jimicsi sameynaayo taasoo lagu ogaaday daraaasada iyada oo la isticmaalayo qalabka wax sawira ee loo yaqaano myocardial. Dadka sigaarka caadiga ah caba ayaa iyaguna la’ogaaday in uu qulqulka dhiigooda uu hoos u dhaco marka ay jimicsiga sameynayaan, marka ay jimicsigooda dhameystaan uu sida caadiga ah ku soo noqdo. Laakin arrinta layaabka leh waxa ay tahay, in dadka caba sigaarka electarooniga ah uu awooda qulqulka dhiigooda uu hoos u sii dhaco marka ay jimicsiga sameynayaan iyo marka ay nasashada ku jiraanba.

Wey caddahay inuu qalad kajiro quqlqulka dhiiga ee dadka sigaarka caba ayna ku sii badantahay dadka caba sigaarka nooca electarooniga ah sidaa waxa yiri Dr Florian Rader oo ah agaasimaha Noninvasive Laboratory ee machadka Smidt Heart Institute at Cedars-Sinai Medical Center in Los Angeles. E-cigarettes marka uu suuqa soo galayay waxa lagu sheegay in uu caafimaadka waxba u dhimaeyn laakin waxaan heynaa cadeymo ah in uu halis ku yahay caafimaadka ayuu sii raaciyay  Dr Florian Rader.

Tani mahan marki ugu horreysay ee la ogaaday in sigaarka electrooniga ah uu halis ku yahay dhuumaha dhiiga qaada ee bani’aadamka sidaa waxa lagu yiri warbixin kale oo ay daabacday bishii august jaamacada Pennsylvania. Daraasadaas waxaa sidoo kale lagu sheegay in sigaarka electrooniga ah aysan ku jirin maadada Nicotinka balse  uu kaliya ka kooban yahay waxyaabo macmacaan ah.

Dhanka sambabada waxaa lasheegay in waxa dhakhaatiirtu ugu yeereen EVALI ay u geysto halis caafimaad EVALI ayaa ah xarfo laga soo gaabiyay dhaawaca uu sambabada u geysto sigaarka electarooniga ah. Xarunta la socoshada iyo faafitaanka cudurada ayaa sheegatay inay aad usii kordheyso dhimashada uu sababay xanuunka laga qaado cabista sigaarka electrooniga ah.

Bukaanada ayaa soo booqda cisbitaalda, iyaga oo ka cabanaya dhibaata ka heysata neefsashada, qunfac, qandho iyo mantag uu sabab u yahay xanuunkan ayaa intaas laraaciyay.

ISHA: NBC News. 

W/T: Abdullahi Bishar Ahmed.

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo Qudbad ka jeediyay shirka horumarka iyo Dadweynaha.

Read Next

Dowladda UK oo ka digtay weerarro ka dhaca Muqdisho