Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Waxaa maanta baaqday shirka Golaha amniga Qaranka ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isugu yeeray 6-dii bishan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho 19ka Bishan oo maanta ku beegan, balse ma jiro wax madaxweyne ah oo Caasimada jooga.
Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubaland ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka madaxweynaha Puntland uu joogo Imaaraatka Carabta, waxaana jira khilaaf cusub oo ka dhex qarxay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle.
Sida qorshuhu ahaa Shirka wuxuu soconayay muddo Shan habeen ah,waxaana uu dhamaanayay sida qorshuhu ahaa 23ka Bishan April, lama oga in shirka dib ka furmi doono, iyadoo Villa Somaliya arintan wax war ah aysan ka soo saarin.
Lataliyaha dhinaca Amaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ayaa bilowgii bishan bartiisa Twitterka ku sheegay in shirka Golaha amniga Qaranka uu ka dhacayo Magaalada Muqdisho 19ka April ilaa 23ka Bishan, walow shirka uu haatan baaqday.
Ajedanaha shirka waxaa ka mid ahaa adkeynta amaanka dalka, dhismaha Ciidanka xoogga dalka, ka hortagga Al-shabaab iyo Daacish iyo xoojinta Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada Soomaaliya.
Lama oga sababta rasmiga ah ee uu u baaqdya shirkan, balse waxaa la hadal haya inuu jiro khilaaf cusub oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, iyadoo laga cabsi qbao inuu dib u soo laabto Golihii Iskaashiga mamaul goboleedyada.
