Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wasaaradda arrimaha gudaha Dowlad Goboleed Puntland ayaa dib u celisay in ka badan 50 ruux oo muhaajiriin Ethiopian ah, kadib markii ay iskood isku diiwaan-geliyeen in dalkooda lagu celiyo.
Muhaajireen ayaa laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, waxaana laga dejiyay Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Ethiopia, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dadkan oo ka koobnaa rag, dumar iyo carruur, la mariyay nidaamka caalamiga ah ee dib u celinta muhaajiriinta, islamarkaana ay dhammaantood raalli ku ahaayeen in dalkooda loo celiyo.

Muhaajireentaan u dhalatay Ethiopia ayaa ka xoogsan jiray gudaha Maamulka Puntland sida ay sheegtay wasaarada arimaha Gudaha Puntland haatana ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo sidaasna ay u dhoofeen.
Puntland ayaa tan iyo horraantii sannadkan bilowday, dib u celinta soogalootiga Ethiopian-ka ee u badan qowmiyadda Oromada, balse dhinaca kale muhaajiriinta Oromada ayaa weli ku soo galaya gudaha Puntland.
