Shirkadda MAERSK oo lacag kordhin ku sameyneysa Xamuulka ay isaga kala gudbiso Turkiga & Soomaaliya

Shirkadda MAERSK ayaa sheegtay in ay lacago dheeraad ah ku kordhin doonto Xamuulka ka yimaada Turkiga ee Soomaaliya la keenno, waxaa lacagtaan loo yaqaan PSS iyada oo qiimaha ay u kala dejisay Konteenarrada iyo qaadkooda.

Waxa ay Shirkaddu sheegtay in Konteenarka ah 20ka Fiit ay ku kordhin doonto $200 waxaana kuwa qaadkoodu gaarayo 40 iyo 45-ta fiit ay ka qaadi doonto lacag dhan $300 sida ay ku shaacisay warbixin ay soosaartay shirkaddaas.

Barnaamijkaan waxa uu dhaqangalayaa 28ka July 2026, sida ku xusan bayaanka Shirkadda go’aankaan ayaa saamayn doonna dalabaadka hadda kaddib loo dirsan doonno oo ma saamayn doonto dalabaadkii hore sida hadalka loo dhigay.

Goormee ayaa lacagaha dheeraadka ah inta badan lasoo rogaa?

Nidaamkaan lacag kordhinta ah ee loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS) waxaa inta badan lasoo rogaa marka ay yaraadaan Maraakiibta Xamuulka, Dekedaha xiliyada ay mashquulka badan ka jiro, tanka waxa la qaadayo ee degdega loogu baahan yahay oo kordha iyo Shidaalka oo qiimaha kordho ama safarka oo ku dheeraado.

Shirkaddu ma xusan sababta ka dambaysa go’aankaan maadaama intaas ay ku dhalato lacag kordhinta Maraakiibta Shirkadaha xamuulka qaada, waxaasa jira culays dhinaca shidaalka adduunka oo ka dhashay colaadda Bariga inkasta oo aan si dhab ah arrintaas lagu xirin.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xukuumadda Cirro oo billowday in ay beegsato Dad diidan sida uu wax u maamulayo

Read Next

Deni oo ka hadlay ka hadlay xirnaashaha Dekadda magaalada Boosaaso iyo cabashada Ganacsatada