Shirka xeer dejinta federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo ka furmaya Garowe

Shirka golayaasha xeer dejinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta ka furmaya Magaalada Garoowe.

Waxaa Magaalada Garoowe ku sugan Gudoomiyaasha Baarlamaanada Maamulada Puntland, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed, waxaana ka maqan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug oo aan la ogeyn sababta baaqashadiisa.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ka socda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir gudoomin doonaa.

Shirka Golayaasha sharci dejinta waxaa uu socon doonaa mudo saddex Cisho ah, in kastoo aan la soo bandhigin ajendaha shirkaas, hadana waxaa la filayaa in ay ka hadlaan wadashaqeynta goleyaasha Xeer Dejinta Heer federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Shirka kan lamid ah ayaa Magaalada Muqdisho horay ugu dhacay, waana mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan Gudoomiyaasha Baarlamaanada Heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed

Web master

Read Previous

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya kulan ku yeeshay Garoowe.

Read Next

Itoobiya oo marti gelineysa shir ay ku wadahadlayaan dowladda dhexe iyo Somaliland