Shirka ku saabsan Qorsheynta Qaranka oo maanta ka furmay Magaalada Kismaayo.

Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka daahfurtay Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka 9-aad wareeggiisa kowaad oo lala yeeshay Rugta Ganacsiga Jubbaland.

Ujeedka Shirkaan waxa ay Wasaradda Qorsheynta dalka ku sheegtay in uu yahay wadatashi lala yeesho Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, si qorshaha u noqdo mid ay leeyahiin  shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana furitaanka gooobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Wasiirada Maamulka Jubbaland oo kala Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka ganacsiga, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dastuurka iyo Xoghayaha Joogta Wasaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Aadan.

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi  ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhoweenayaan wadatashigan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad oo ka socda Dalka oo dhan.

Waqtiga socoshada shirkaan waa afarta maalmood, waxaana aragti uruurin lagu sameyn doonaa ka qaybgalayaasha.

Cabdulqaadir Maxmaed Aadan Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wareegga 1-aad ee qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad, hadafka laga leeyahay uu yahay in qorshahan wax looga qabto.

“Qorshaha horuamrinta Qaranka ma ahan mid siyaasad ah, waana mid ku cad baahiyaha shacabka Soomaaliyeed ay leeyahiin, Qorshahan waxaa uu ka koobnaan doona shan tiir, waana mid ay wada leeyahiin shacabka Soomaaliyeed, Sida ururrada bulshada rayidka, ganacsatada, Baarlmaanka iyo hay’addaha dowladd Goableedka waxaan idinka doonayaa in maskaxdiina aad shiishaan si aan u helno wax Ummadda Soomaaliyeed dan  u ah”. ayuu yiri Xogahayah Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta.

Dhinaca kale rugta ganacsatada Jubbaland ayaa loo qaybiyay ilaa 8-Koox oo ay ka doodeen baahiyaha ay doonayaan in wax uu ka qabto Qorshaha, iyada oo ay soo bandhigeen talooyinka usoo baxay.

Image may contain: 1 person, eating

Image may contain: 3 people, people sitting, flower, table and indoor

Image may contain: 6 people, people sitting, people standing and indoor

Image may contain: 15 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 1 person

Mustaqbal media

Read Previous

Qaramada Midoobey 30 Milyan oo doolar ku bixinaysa Nabada Soomaaliya.

Read Next

Maamulka Buurdhuubo oo Feejignaan sare geliyay Ciidamada Ammaanka Degmadaasi.