Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Kulan looga hadlayay Ammaanka Degmada Buurdhoobo oo dhacda Koofur Galbeed Gobolka Gedo ayaa looga hadlay sidii loo sare qaadi lahaa Xasiloonida Degmadaasi.
Waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta Degmada u qaabilsan Maamulka Jubbaland, waxaana la go’aamiyay in baarista baraha Magaalada laga soo galo la kordhiyo.
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Buurdhuubo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali (Sanbuur) ayaa sheegay in Dadka lagu baaro Buundada Magaalada.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay adeegsadaan Xogo ama siro hoose oo ay ka helaan Dadka Degmada si Xasiloonida ay u waarto.
Ciidamada AMISOM ee Magaalada Buurdhuubo ka howlgala waxa uu sheegay in ay wadaagaan Xogaha, isla markaana ay si wanaagsan iskula shaqeeyaan.
Buurdhuubo ayaa ka baxday gacanta Al-Shabaab 2014-kii, wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa maamulayay Maamul Dowladda Federadii Madaxweyne Xasan shiikh Magacawday, balse markii dambe si toos ah ugu wareegay Maamulka Jubbaland.
