MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Magaalada Muqdisho waxaa maalinta berri ah ka furmaya shir ay yeelanayaan Culimada Islaamka waxaana looga hadlayaa ka hortagga xagjirnimada.
Shirka oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa waxaa ka qeybgalaya 12 qof oo ka mid ah Culimada Caalamka.
Waxaa uu shirkan socon doonaa 29ka ilaa 30ka April,waxaa sidoo kale ka mid ah ka qeybgalayaasha Culimada Soomaaliya.
Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.
