MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saraakiisha ciidamada Xoogga kala hadlay qorshaha Amniga Soomaaliya ay ugala wareegayaan Askarta Midowga Afrika ee AUSSOM.

Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay weli gacanta ku hayaan, waxaana saraakiisha la faray in ay heegan buuxa geliyaan ciidamada si ay ugu dhaqaaqaan howlgalladaas.

Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Ciidamadu ay mas’uuliyad guud ka saaran tahay qabsashada deegaannada ka maqan, Xoojinta iyo dardargelinta howlgallada socda & u diyaargarowga waajibaadka qaran.

Soomaaliya waxa ay xoogga saaraysaa sidii Ciidamadeeda ay si buuxda ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda Amniga guud ahaan Dalka isla markaana dib looga saaro Ciidamo Afrikaanka ah ee lacagaha badan ku qaata Howlgalka Midowga Afrika.

Tallaabooyin tijaabooyin ah oo la sameeyay waxaa lagu guulaystay in Madaxtooyada Qaranka iyo ilaalinta Madaxda Dalka laga reebo Askarta Ajaanibta ah waxaana si dhammaystiran mas’uuliyaddaas sugidda amniga u qaatay Ciidamo Soomaali ah.
Mustaqbal
