Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Inta la Xaqiijiyay Saddex Qof Oo labo ka Mid Ah Ay Haween Yihiin Ayaa Ku Geeriyooday Shil Gaari Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.
Shilkaan Ayaa ka dhashay sida wararku sheegayaan kadib markii Gaari Nuuca Xamuulka ah gaar ahaan Carada Qaado iyo Gaari kale oo ah Nuuca Raaxada ay isku dhaceen.
Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Ahna AF-hayeenka Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland Feysal Axmed Xiis oo Warbaahinta la hadlay Ayaa Xaqiijiyey Geerida Saddexdaan Qof.
Dadka Dhintay Ayuu ku kala sheegay Magacyadooda Mustafe Ceydiid Oo 26-sano Jir Ah, Yurub Max’ed Iyo raxma Dayib Nuur.
Sidoo kale Taliye Feysal Waxa uu Tilmaamay in ay Baaritaano Ku Sameyn Doonaan Waxa ka Dambeeyey Shilkaan maanta Ka Dhacay Duleedka Hargeysa.
Waxa uu ugu dambeyn Wadayaasha Gaadiidka u jeediyay in ay si degen u wadaan Gaadiidka si ay u yaaraadaan Shilka dhimashada iyo Dhaawaca Sababa.
Magaalada Hargeysa iyo Deegaanada dhaca duleedkeeda waxaa muddooyinkii dambe soo kordhayay Shilalka Khasaaraha geysanaya, waxaana inta badan loo sababeeyaa Wadayaasha oo Gaadiidka u wado Xowli sare, taasine ay keento in Wadaha uu Awoodi waayo Xakameynta Gaariga.
