Gaari lagu rasaaseeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida Ilo wareedyo Mustaqbal Radio u sheegeen Kooxo ku labisan Dariiska Ciidanka Dowladda gaar ahaan kuwa Militariga ayaa rasaaseeyay Gaari kusii socday Degmada Afgooye.

Gaariga la rasaaseeyay oo ahaa Homey / Caasi ayaa ka tagay ka tagay Magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeday Degmada Wanla weyn.

Ilo wareedyo ayaa Mustaqbal u sheegay in Dableyda ay Wadaha ka dalbadeen in uu u istaago balse uu ka dhega adeegay, waxa ayna rasaas ay ku fureen ku geeriyooday Wadaha Gaariga.

Tiro Haween ah ayaa gaariga saarnaa oo kamid ah Ganacsatada Qaadka uu u rarnaa, waxaana dhacdadaan ay si gaar ah ugu dhacday inta u dhaxeyso Kontoroolka Baar Ismaaciil iyo Taraafikada

Ciidamada katirsan Dowladda Federaalka oo ku baxay gaariga la rasaaseeyay ayay wararku sheegayaan in ay sameeyeen howlgal aan Natiijada ilaa hadda la helin.

Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Afgooye oo ay ku faah-faahinayaan Falka gaariga dableyda hubeysan ku rasaaseesay iyo howlgalkii Xigay.

Mustaqbal media

Read Previous

Shil Dad ay ku Dhinteen oo ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Read Next

Kenya military gets nine aircraft