Shiinaha oo billaabay is dhexgalka Ganacsiga iyo wax kala iibsiga Maraykanka wixii ka dambeeyay wadahadalkii dhexmaray Labada Madaxweyne waa Donald Trump & Xi Jinping, Xukuumadda Beijing ayaa iibsatay 10 Raargo oo ah digirta nooca loo yaqan Soybean.
China ayaa digirtaas ku bixiyay lacag dhan $300 oo Milyan oo Doollar, waxa ay salka u dhigtay heshiiska Trump iyo Xi dhexmaray oo la filayo in lasii xoojiyo si loo gaarsiiyo in is dhaafsiga Ganacsiga uu maro hannaan ka madaxbannaan xifaaltan.
Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xigatay Warbaahin iyo Ganacsato ayaa sheegtay in dhoofka digirta loo yaqaan Soybean ee Maraykanka ka baxda ay ka tarjumeyso dib u billaabashada is dhaafsiga Ganacsi ee labada Dal.
Shiinaha iyo Maraykanka waxaa ka dhaxeeya loolan dhinaca Militariga, Ganacsiga & Soo dhaweysashada Dalalka kala duwan ee Caalamka, Beijing ayaa horay ganafka ku dhufatay eedeymo hore oo dhinaca Washington uga yimid.
Mustaqbal
