Turkiga oo Soomaaliya ka gacansiinaya horumarinta nidaamka Socdaalka

Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas ayaa sheegay in Dowladdiisa ay gacan ka gaysaneyso horumarinta Awoodda Farsamo ee lagu horumarinayo nidaamka Socdaalka Dalka sida uu hadalka u dhigay.

Alper Aktas oo la kulmay Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, waxaana xog is dhaafsi kaddib ay ku ballameen in Turkiga uu doorkiisa ka qaato horumarinta Maamulka Socdaalka & Amniga Xuduudaha.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka gacansiiya dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo shirkado ka socda dalkaas ayaa maamula Dekedda & Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, tababarka ciidamada & kuwo kale.

Xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara waxaa ka dhaxeeya cilaaqaadka xooggiisa soo billowday sanadkii 2011kii waqtigaas oo Turkiga uu dalka kusoo galay u gargaariddii Dadkii kasoo baracakay Abaar xooggan oo waddanka ku dhufatay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dilalka ka dhanka ah Ganacsatada Soomaalida oo kusii kordhay Koofur Afrika

Read Next

Shiinaha oo Maraykanka ka iibsaday Digir ku kacaysa ku dhowaad Nus Milyan Doollar