MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Madaxtooyada Galmudug kula kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Tigabu Yilma.
Kulanka Madaxa Xukumada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa diirada lagu saaray arimaha amaanka Deegaanada Galmudug gaar ahaan Deeganada ay gacanta kuhayaan Al shabaab sida lagu sheegay qoraal kooban oo la soo galiyay Barta Facebook ee Madaxa Xukumada Galmudug.

Kulanka Madaxa Xukumada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in uu sulka ku hayo Cabasho ay hoggaanka Ahlusunna ka muujiyeen tagitaanka Ciidanka AMISOM ee Dhuusamareeb.

Taliyaha Ciidanka Midowga Afriga ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kulamo kula leh Wasiirada Xukumada Faderaalka Soomaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb Iyo Madaxda Galmudug ee ku sugen Dhuusamareeb.

Wasiirka amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo maanta lakulmay Taliyaha AMISOM ayaa sheegay in kala hadlay sidii Ciidanka Midowga Afrika ugu qayb qaadan lahaayeen nabad galyada Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka dhacayso Doorashada Maamulkaasi sida qorshahu yahey.

