Shangaani oo dubatay Howl-wadaag una soo gudubtay wareeggga afar-dhamaadka.

Degmada  Shangaani ayaa iska xaadirisay  nus-dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka  Gobolka Banaadir kadib markii ay rigoorayaal kaga libin heshay  degmada Howl-wadaag.

Shangaani oo kaalinta labaad kaga soo baxday  Group A ayaa garoonka  Banaadir  kulan adag kula qaadatay degmada Howl-wadaag oo kaalinta koowaad uga soo baxday   Group C, waxaana  daqiiqadi 8-aad  How-lwadaag hogaanka u dhiibay kabtankooda No-22  u sita    Yuusuf Xasan Barrow waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-0.

Marki Layksu soo laabtay  Degmada Kabtanka shangaani  Cabdirisaaq  Maxamed Axmed ayaa  u jawaabay  kabtanka Howl-wadaag waxuuna gool u badalay Rigooro loo dhigay daqiiqadi 65.

Labada  koox ayaa abuuray fursado goolal loo filan karay basle  midkoodna kuma guulaysan inuu ka miro dhaliyo waxaana waqtigii loogu talo galay ciyaarta kusoo idlaatay 1-1.

How-l wadaag oo tuurashada  ku horaysay ayaa dhalisay   3 kamid ah  shantii tuurasho oo ay  xaqa u lahayd  halka ay labada kale iska qasaarisay waxaana  u kala dhaliyay  Cabdalla Axmed Cabdalla  N0-5, Farxaan Cali Maxamed No.10 iyo Yuusuf Xasan Barrow , waxaana ka qasaariyay  C/kariin C/qaadir Jimcaale, No.16 iyo  Aadan Maxamuud Xuseen No.2.

Shangaani oo afar  tuurasho ay kaga filaatay in ay guusha helaan waxaana  afarta  tuurasho oo wada dhashay u kala saxiixay  C/saaq Maxamed Axmed No/6, C/laahi Cusmaan Shiikh Nuur No.12, Cabdi Maalik Cumar Cabdi No.18 iyo  Axmed Maxamed Shiikh oo No-8, waxnaa  sidaasi ay 4-3 guusha ku raacday Shagnaani

Geesiga shangaani waxuu ahaa goolhaye  Cabdi Abuukar Axmed  Kaasoo  waqtiga caadiga  kooxdiisa  goolal badan ka badbaadiyay sidoo kalena laba rigooqo qabtay.

Shangaani ayaa  ku biiraysa  degmooyinka Waaberi  iyo Hodon oo horay usoo gudbay waxayn afar-dhamaadka  isniinta la ciyaari doontaa degmooyinka Wadajir iyo Shibis degmadi soo baxda.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Al-Shabaab strikes again, kills 2 in bus ambush

Read Next

HORDHACA: Man City Vs Fulham+ Xaqiiqooyinka Kulanka.