Taliyaha Booliiska Mudug oo shaqada looga joojiyay Maxaabiis Burcad Badeed ah oo baxsatay
Maamulka Magaalada Hargaysa ayaa digniin u diray Shacabka Magaaladaas si ay uga feejignaadaan daadadka badan ee la sheegay in uu ka dhallan karo roobka la saadaalinayo si aanay khatar naf iyo mid maaliyadeed uga dhallan.
Roobka la saadaalinayo ayaa la sheegay in daadadka ay ka badan karaan sida caadiga ah ama uu da’I karo saacado badan taasi oo keeni karta in waddooyinka ay xirmaan, goobaha biyaha in ay galaan loogu talagalay in ay buuxsamaan iyo dhismaha qadiimaha oo dumi kara.
Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa sheegay in sidoo kale Dadka loogu baaqayo inay ka fogaadaan meelaha u nugul halista Korontada & kuwa la isaga kala tallaabo oo khatar culus ay ka dhallan karto waa sida hadalka loo dhigay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
