Sergej Milinkovic Savic oo markale dalab ka helay koox ka ciyaarta Ingriska.

Manchester United ayaa markale isku dayaysa saxiixa laacibka kooxda Lazio iyo xulka Serbia ee Sergej Milinkovic Savic.

Tababare Jose Mourinho ayaa dadaal xoogan u galay dhamaystirka saxiixa 23 jirkaan qadka dhexe suuqii xaggaagan, laakiin qiimaha qaaliga ah ee ay dalbatay Lazio ayaa keenay in United ay dib u gurato.

CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay markale isku dayayso saxiixa Sergej Milinkovic Savic suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Paul Pogba ayaa qorshaynaya inuu ka tago Manchester United bisha Janaayo, kooxda ayaana badalkiisa soo qaadanaysa Sergej Milinkovic Savic.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Arsenal oo qorsheyneysa in ay laso wareegto bisha janaayo Diego Costa.

Read Next

Madaxda Itoobiya,Eritrea iyo Soomaaliya oo maanta shir ku leh Asmara.