Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynaso suuqeeda January ee bilowga xilli ciyaareedka cusub iyada oo isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddig horay ugu soo ciyaara kooxda chelsea una ciyaara kooxda Atletico Madrid.
Wargayska Marca ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery uu doonayo in uu u dhaqaaqo Weraryahanka Atletico Madrid ee Diego Costa.
Unia Emery ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay bartilmaameedka 1-aad ka dhigtaan xiddiga reer Brazil marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.
Heshiiska xiddiga reer Brazil ee Atletico Madrid ayaa dhamaan doona xagaaga dambe sidaas darteed waxa uu si xor ah ula hadli karaa kooxda uu doono marka la gaaro suuq January.
Wargayska ayaa intaas ku daraya in ayna kooxda Atletico Madrid ogolaan doonin in uu xiddigu ku boxo wax ka yar 40 milyan oo euro hadii ay kale ay doorbidayaan in ay xor ku waayaan xagaaga dambe.
