SEIT Hir-Shabeelle oo shaaciyay Jadwalka Doorashada HOP#004, HOP#011, HOP#063 & HOP#135.

Guddiga Hirgelinta Doorashoooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa soo gudbiyay habraaca Doorashada 4 kursi oo kala ah HOP#004, HOP#011, HOP#063 iyo HOP#135.

Kuraastaan oo Deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la dooranayaa 14ka Maarso 2022 oo ku beegan Maalinta Isniinta todobaadkaan sida uu sheegay in SEIT Hir-Shabeelle.

4-taan kursi ayuu horay u shaaciyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle balse waxaa suurageli waayay in waqtigoodu lagu qabto uu ku cudur daartay Guddigaan.

Kuraastaan yaa ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad ee JFS?

HOP#004: Maxamed Xasan Ibraahim Qoone.

HOP#011: Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya.

HOP#063: Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirkii hore ee Waxbarashada XFS.

HOP#135: Aamina Maxamed Cabdi.

No photo description available.

Waqtiga loogu talagalay in lagu soo gabagabeeyo Doorashada Xildhibaannada dhiman ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad waxaa ka harsan 3 cisho (15-Maar-2022), Dowlad-Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ilaaliyaan waqtigaas.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Biden oo loo gudbiyay dalab ah in uu dib Soomaaliya ugu celiyo Ciidamada Mareykanka.

Read Next

Al-Cadaala: Waxa aan u hambalyeynayaa Adeerkey Cabdirahmaan Odowaa oo I matali doona 4-ta sano soo socota.