Sawirro:- Musharixiinta u tartamaysa Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo shahaadooyin la gudoonsiyay.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa billaabay qabashada araajida musharrixiinta u loollamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Qabashada araajida musharrixiinta ayaa ku eg maanta oo Arboco ah,waxaana berri la dhegeysanayaa khudbadaha musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Image may contain: 1 person, sitting

Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan ayaa Illaa hadda waxa ay isu sharraxeen xilka guddoomiyaha  Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta shahaadooyinka la gudoonsiyay.

Image may contain: 3 people, people standing

labada xildhibaan ayaa taageero ka kala helaya xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka qaarkood, waxaana socda abaabul ay wadaan dhammaan dhinacyada kala taageersan.

Sidoo kale Xildhibaano u sharaxan Xilka Gudoomiye ku xigeenka 1 aad iyo 2 aad ayaa dhankooda shahaadooyinka la gudoonsiyay.

Image may contain: 2 people, people standing

Sidoo kale doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa la qabanayaa 17ka Bishan oo ku beegan Jimcaha soo socda.

Image may contain: 2 people, suit

News Editor

Read Previous

Somaliland oo ka hadashay 6 ruux oo maanta lagu toogtay magaalada Berbera.

Read Next

Mr Anyanga: “Waxaan Muqdisho ka tagay anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda.